WararkaWaxbarashada

Dharka Mustaqbalka.. Mukayf Qaboojiye iyo Diirinta Jirka Isku ah

Dharka xilli dhaw waxaa lagu soo kordhinayaa badhamo yaryar oo suurtogelinayana iney heer kulka jirka xakameeyaan oo marka uu jirku kulul yahayna ay qaboojiyaan, marka uu qabow yahayna ay kululeeyaan.

Badhamadan yaryar ayaa waxaa lagu soo saarayaa dunta dharka laga sameeyo, waana teknoolajiyad casri ah oo ay maalgeliyso midowga Yurub.

Badhamadan ayaa lagu sameeyay teknoolajiyadda Nano-ga loo yaqaanno xajmi ahaanna kun jeer  ka yar tirna aadamaha, habka ay u shaqeynayso waa sidii shumucii oo kale marka uu jirku kuleyl dheeraadka dareemo way dhalaalaan si jirka u qaboobo, halka marka uu jirku qabow yahayna ay dhagayaan si uu jirku diirimaad u helo.

Saynisyahannada technique arrintan wada ayaa tilmaamaya in teknoolajiyadan cusub ay ka dhalan doonaan in hab cusub loo qaabeeyo dharka Sports-ka ee xilliga tababarka.

Dr Carla Silva oo hoggaamineysa cilmibaaristan ka socota markaska teknoolajiyadda Nanotechnology iyo Qalabka Smart-ga ah ee xaruntiisu tahay waqooyiga Porto ee gudaha Portugal ayaa sheegtay iney fileyso in teknoolajiyadda ay suuqyada soo gasho saddexda sanno ee soo aaddan.

Waxay intaa raacisay: “Teknoolajiyaddan waxaa loo adeegsan kartaa dharka caadiga ah iyo kan Sports ka ah. Waxaanuu wanaajin karaa niyadda dadka aan xakameyn karin kulaylka jirkooda ee caruurta iyo waayeelku ugu badan yihiin.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close