arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Xilliyadan oo Kale Ha Iibsan Kabo.. Xajmiga Qiyaasta Cagtu Waa Isbedeshaa Maalintii!

Website-ka “Total Beauty” ayaa sheegay in size-ka cagta maalintii uu is bedbedelo, iyadoo dhaqdhaqaaqa uu qofku sameeyo uu lugaha ballaariyo  weliba dhanka ciribta, sidaa darteed marka aad kabo iibsaneyso xilliga galabtii, subaxa dambe ee aad isku qiyaasto waxaa hubaal ah inuu kaa weynaanayso cagtu.

Dadka qaar ayaa waxay iibsadaan kabo xoogaa ka yar iyagoo aaminsan in hadhow ay kabtu iska fidsameyso, laakiin dhakhaatiirta waxay ku talinayaan in ay habboon tahay in la iibsado kabo cagtaada ku habboon, maxaayeelay kabo kaa weyn marka aad xirato, waxaa hubaal ah in cagtaadu la weynaaneyso.

Website-ka ayaa ku talinaya in kabaha la iibsado xilliga hore ee subaxa ama  maalmaha kale ee fasaxa, si kabo qiyaas fiican ah qofku u iibsado.

Maandeeq FM

Related Articles

Close