WararkaWaxbarashada

Astaanta Ugu Wanaagsan ee uu Leeyahay Hoggaamiyaha Guuleystaha ah

Ixtiraamka qofka maamulaha uu u muujiyo shaqaalihiisa waxay  xoojineysaa saameyntiisa iyo howlgudashadiisa wanaagsan ee hay’adda uu maamulo.

Daraasado heer Caalami ah oo la sameeyay oo la isku barbardhigay Astaamaha wanaagsan ee hoggaamiyaha guuleysta, waxaa lagu ogaaday in ixtimaaka shaqalaha loo muujiyaa uu yahay kan ugu raadka fiican ee saameynta ugu wanaagsan u horseeda hor-u-marka hay’adda.

Haddii aad dooneyso inaad noqoto hoggaamiye hela ixtiraamka shaqaalihiisa tijaabi tallaabooyinkan:

1  .Garab weydiiso

Maamulayaal farabadan waxaa fashiliya iyagoo garab u baahan mushkiladaha lasoo gudboonaadana oo ay la xallin karaan saaxiibadood iyo dadka uu ku kalsoonayay ayuu ka doorbidaa inaanuu cidna wax weydiisan. habada ugu yaraan garab weydiiso saaxiibada kuugu dhaw ee aad ku kalsoon tahay si  ra’yigooda kuula wadaagaan habka aad ula dhaqanto shaqaalahaaga mid fiican baa mise maaha.

2  .Si wanaagsan u fakar

U fiirso hab dhaqankaaga oo naftaada xisaabi, iskuna day inaad qof wanaagsan noqoto, sameyso buug aad ku qorayso hab dhaqankaaga mar aadan qof ula dhaqmin si wanaagsan, ku farakar sababta aadan si wanaagsan ugu dhaqmin iyo sidii ku habbeenayd ee ay ahayd inaad u dhaqanto.

3  .Tababar samee

Haddii habdhaqankaaga shaqaalaha uu khaldan yahay waxaa lagama maarmaan ah inaad xulato tababare khibrad badan si aad isbedel wanaagsan u sameyo, haddii kale ogow waxaa hubaal ah inaad fashilmeyso.

Si kastaba, dhaqanka wanaagsan ee shaqaalaha ayaa ah waxa hadda ugu weyn ee maamulka casriga ah ay ku dadaalaan, haddii dhaqankaasi kugu yaryahay ama aadan lahayn baro waxwalba waa la baran karaa, si hay’adda aad maamusho hor-u-mar ballaaran u gaarto.

Maandeeq FM

Related Articles

Close