CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Daraasad cusub: Ragga Yurub oo Madhaleys Noqonaya Marka La Gaaro 2060

Daraasad cusub oo dhawaan soo baxday ayaa sheegaysa in manida ragga Yurub ay sii tayo beelayso, fursadda ay wax ku dhali karaanna ay aad u sii yaraaneyso,  marka la gaaro sanadka 2060 ay noqonayaan ma dhaleys.

Sida ay  qortay jariidada “The Independent” ee kasoo baxday dalka Britain, 40sano ee soo aaddan waxay dhacdo musiibo ah ku noqoneysaa mustaqbalka dhalmada ee Qaaradda Yurub. Iyadoo daraasad la sameeyay ay tilmaameyso inaaney wax caqabad ah oo dhanka dhalmada ah aaney la kulmeyn Asia, Afrika iyo South America.

Professor-ka caafimaadka dhalmada ee jaamacadda Dundee Dr Chris Barrett ayaa yiri, “Datada aan haynno ee manida ragga ayaa waxay noosheegaysaa si macquul ah in awood yari ay ku dhacayso madhaleys ka dhigaysa marka la gaaro sanadka 2060.”

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close