arrimaha bulshadaUncategorizedWararkaWaxbarashada

Hooyo 100 jir Noqoneysa oo U Guurtay Guri Dadka Waayeelka ah Lagu Xanaaneeyo Si Ay U Daryeesho Wiilkeeda oo 80 Jir ah

Iyadoo ay jirto inuu aad u weynaaday, 80 jirna uu noqday ayaa hadana waxaa nool hooyadii oo 98 jir ah oo go’aansatay iney wiilkeeda daryeesho1.

Sida ay qortay jariidada “Daliy Mail“, Ada Keating, waxay ku biirtay guri lagu xanaaneeyo dadka da’da ah oo ku yaalla magaalada Liverpool, si ay u daryeesho wiilkeeda oo 80 jir noqday, kaas oo guur la’aan ku noolaa in muddo ah si uu iyada u daryeelo.

Hooyada ayaa jariidada u sheegtay iney wiilkeeda si aad ah u jeceshahay ayna caawiso xilliyada raashinka, waxayna tilmaantay iney si aad ah ugu faraxsan tahay iney hadda iyadu wiilkeeda daryeelayso, waxayna ay sheegtay in xubno ka mid ah qoysku ay si wadajir ah usoo booqdaan.

Jariidada ayaa sheegaysa in hooyada iyo wiilkeeda aaney kala dheeraan oo xilli kasta ay wada joogaan, si wadajir ahna ay u daawadaan telefishinka, waxayna ka helaan goobta xanaanada waxwalba oo suurtogelinaya in ay helaan nasasho fiican iyo farxad wanaagsan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close