arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Liiska Jaamacado Soomaaliyeed oo Hay’adda UNESCO Aqoonsatay Tayadooda Waxbarasho

Hay’adda UNESCO ayaa soo daabacday liiska jaamacado Soomaliyeed oo ay sheegtay iney tayadooda aqooneed ku kalsoon tahay, kuwaas oo ku kala yaalla Muqdisho, Puntland iyo Hargeysa.

Hay’addu ma aaney faahfaahin sababta ay 8-dan jaamacadood sida gaarka ah ugu xulatay, laakiin waxay sheegtay iney ka mid yihiin jaamacadaha tayadooda waxbarasho lagu kalsoon ayahay oo aqoonsigaa ayay siisay.

Jaamacadahaa ay hay’adda UNESCO soo qortay iney aqoonsan tahay ayaa kala ah:

1 .Benadir University (BU)

2 .East Africa University (EAU)

3 .Mogadishu University Jaamacadda (MU)

4 .Puntland University (PSU)

5 .Simad University (SU)

6 .Somali National University (SNU)

7 .University of Burao

8 .University of Hargeisa  

Jaamcadahan ayaa waxay si toos ah uga mid noqonayaan ururka jaamacadaha Adduunka ee marka lasoo gaabiyo la yiraahdo(IAU) oo ay ka mid yihiin 130 dowladood oo ay ku yaallaan 650 mu’asasaad waxbarashada sare ah, waana urur saaxiib dhow la ah hay’adda UNESCO xaruntiisuna waxay ku taallaa magaalada Paris gudaha xarunta UNESCO.

Maandeeq FM

Related Articles

Close