WararkaWaxbarashada

Magaalada Cadaado oo Laga Hirgeliyay Mac’hadka Indhoolayaasha Galmudug

Munaasabad shalay galab lagu qabtay xarunta adeegga bulshada ee Senator Abshir Maxamed Axmed ‘Bukhaari’ ee magaalada Cadaado ayaa lagu daahfuray mac’hadka indhoolayaasha Galmudug oo uu maalgeliyay xafiisku.

Munaasabad si wanaagsan loo soo agaasimay oo xarunta ka dhacday ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin iyo xubno ka tirsan naafada Galmudug.

Mac’hadkan ayaa lagu tababari doonaa dadka aragga la’, waxaana maalgeliyay gudddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed “Bukaari“.

Mid ka mid ah indhoolayaashii xafladda ka hadlay ayaa tilmaamay in senator Abshir uu indhihii u furay, waxbarashana ay ugu sokeysay Garoowe iyo Muqdisho:

“Senator Abshir Bukhaari Kheyr Alle ha siiyo, Illaahay ha barakeeyo, hadda ka hor iskuulka barakacayaasha ayuu furay, waan ka warhaynaa, haddeerna xafiiskii indhoolayaasha ayuu furayaa, waxaan leenahay waa ninkii noogu horeeyay ee indhaha noo kala qaada. Waxbarasho Muqdisho iyo Garoowe ka dhaxayda lama arko waan ognahay.”

Dhanka kale, Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray:

“Waxaa sharaf ii ah inaan garab istaago indhoolayaasha Galmudug iyo Inaan ka garabsiiyo dhibaatooyinka ay waajahaan si maalinle ah.”

Si kastaba, maaha markii ugu horreysay ee Senator-ku ka qeybqaato hor-u-marinta waxbarashada Galmudug, horey ayuu cadaado uga hirgeliyay iskuul ay si lacag la’aan ah wax ugu bartaan dadka taabaaleysan ee barakacayaasha ah.

Maandeeq FM 

 

Related Articles

Close