UncategorizedWararkaWaxbarashada

Suuriya: 5 Qof oo Ku Dhintay Iskuul Ku Yaalla Bariga Caasimadda Dimishiq

Mucaaradka dalka Suuriya ayaa sheegaya in la dilay 5 qof oo ay ku jiraan saddex caruur ah,  15 kalana uu soo gaaray dhaawacyo kala duwan, duqeyn saameyn ku yeelatay iskuul ku yaalla deegaanka Jisreen ee bariga caasimadda Damascus.

Ilo wareedyo laga helayo difaaca Madaniga ah ee Ghoutada-bari oo ay mucaaradku gacanta ku hayaan ayaa sheegaysa “In la dilay labo qof oo rayid ah iyo saddex caruur ah, halka ay dhaawacmeen 15  qof oo kale, duqeyn madaafiic ah oo ay soo tureen ciidamada Suuriya oo ku habsaday iskuul dugsi hoose ah oo ku yaalla deegaanka Jisreen ee Ghoutada bari.

Waxay intaa sii raaciyeen in “Madaafiic lala eegtay guryo ay dad rayid ah dagan yihiin oo ay ka dhasheen dhaawacyo soo gaaray dad rayid ah iyo burbur hantiyeed oo aad u baaxad leh.”

Ciidamada Suuriya ayaa wada duqeymo ka dhan ah mucaaradka dalkaas oo ka dhacay bariga Damascus, iyadoo duqeymuhu ay saameeyeen deegaanada Douma, Jisreen iyo Mesraba.

Maandeeq FM

Related Articles

Close