WararkaWaxbarashada

Maanta oo Kale: Waxaa Geeriyooday Qoraagii Caanka ahaa ee Dale Carnegie

Dale Carnegie waxa uu ahaa qoraa Mareykan ah oo wax ka qoray buugaag si weyn ugu faafay adduunka oo dhan,  luqado farabadanna lagu tarjumay.

Qoraaladiisa waxaa ugu caansaana buugga “How to Stop Worrying and Start Living” (walwalka jooji oo noloshaada bilow) oo si weyn adduunka oo dhan looga akhristay, waxa uu leeyahay buugaag kale oo farabadan oo muhiim ah, waxa uu ahaa self-improvement teacher dhiirigeliye ah. Waxa uu raad fiican ku lahaa qoraa farabadan oo adduunka ka tirsan.

Carnegie waxa uu dhashay November 24, 1888 meel u dhaw Missouri, waxa uu ka dhashay qorys faqiir ah, waxaanuu ahaa curad ku xigeenka James William Carnegie iyadoo hooyadiina la oran jiray Elizabeth Harbison. Laga soo bilaabo 1912 ayaa tababaro kala duwan u fidineyayay maalqabeennada iyo xirfadlayaasha sarsare ee New York oo si joogta ah ugu xirnaa.

Buugaagtii uu alifay ee kale waxaa ka mid ahaa “How to make friends and influence others “Sideed saaxiibbo u kasban kartaa dadkana u saameyn kartaa” oo markiisii ugu horreysa la daabacay 1973 oo 5000 oo nuskhadood oo qura laga daabacay. Buugaagtiisa saameynta lahaa ee kale waxaa ka mid ahaa; “The Leader In You” (Hel Hogaamiyaha gudahaaga ku jirta),  fanka hogaaminta shaqaalaha, Fanka Khudbadeynta iyo fanka habka dadka loola dhaqmo.

Ugu dambeyn, Waxa uu geeriyooday maanta oo kale taariikhdu markii ay ahayd November 1, 1955 oo uu ku geriyooday Forest Hills ee New York.

Maandeeq FM

Related Articles

Close