WararkaWaxbarashada

Aqoonyahanka Baladweyne oo Ka Waramaya Sababta Ay Badankoodu Shaqo La’aanta u Yihiin

Dhallinyarada waxbaratay ee ku nool Magalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraaan ayaa ka cabanaya shaqo la’aan ku haysata gudaha Magaladaasi.

Dhalinyaradan oo la hadlay Goobjoog oo ay bahwadaag yihiin Maandeeq FM,  ayaa sheegay iney dantu ku kaliftay iney magaladda ku dhex fadhi diririraan, intii ay shaqeen lahaayeen.

Waxay sheegeen in xaaladda guud ee dalka ka jirta ay saameysay, intooda badanna aaney shaqo haysan.

“Jaamacadna waa dhameeyay mana shaqeeyo, 75% dhalinyaradu wax camal ah ma hayaan oo waabaaga muundo ayay u badan yihiin, midaas oo ay sabab u tahay dhibaatada guud ee waddanka ka jirta, ha ahaato mid amni darro, ha ahaato mid dhaqaale xumi, w axaa la dhihi karaa dhalinyarada inta badan shaqo ma haystaan, iyadii oo dhalinyaradii aaney ku kalsooney iney wax shaqo ah qabsadaan, shaqo ceeb ma laha meel kasta oo ay ahaataba.”, sidaa waxaa yiri mid ka mid ah dhalinyaradii aan wareysiga la yeelannay.

dhanka kale, Jamaal Shuuriye Waasuge ayaa sheegay in dhalinyarada 2% ay ka shaqeeyaan, shaqooyinka ay hayaanna ay tahay mid ay abuurtay iyo kuwo gaar loo leeyahay:

“Waxaan rabaa inaan ka hadlo dhalinyarada shaqo la’aantu hayso ee waxbaratay, waxyaabaha ugu horreeyay ee caqbad ku ah iney shaqada helaan waxaa ka mid ah; shaqooyinkii waddanka oo aad u yar, dhalinyaradiina ay 80% waxbaratay, dhalinyarada aan shaqada hayn waxaa ku qiyaasi karaa 98%, 2% ayaa shaqeyso iyaguna waxay ka shaqeeyaan shaqooyin gaar loo leeyahay iyo kuwa ay iyagu abuurteen.”

Maamulka Magaladda B/weyne iyo kan gobalka Hiiraan ayay ka dalbadeen iney kala shaqeeyaan sidii ay shaqooyin loogu abuuri lahaa.

Ugu dambeyn, Sanad walba waxaa jaamacadaha dalka ka baxa Kumanaan dhallinyaro ah, balse sidey wax u barteen uma wada helaan shaqada.

Maandeeq FM

Related Articles

Close