TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Elektaroonik-gu Ma Waxa uu Noqon Doonaa Qeyb Jirkeenna Ka Mid Ah?!

Jennifer Farstad oo ah khabiir iyo maalgashade u dhashay dalka Mareykanka ee dhanka hal-abuurka, ayaa fileysa in jirka aadanaha lagu beero elektaroonik ay tahay arrin aan laga fursan doonin mustaqbalka dhaw.

Hadalkan ayay ka jeedisay shirkii Synergy Global Forum oo dhawaan lagu qabtay dalka Mareykanka waxayna tiri “Daahrogyada cusub iyo hor-u-marka dhanka teknoolajiyadda waxay u socdaan si dhakhsiyo ah, in qalab lagu beero jirka aadanaha waa cawaaqibka hor-u-markaa ka dhalanaya oo nagu soo food leh.”

Waxay intaa sii raacisay: “Arrintu waxay u muuqataa mid aan macquul ahayn, laakiin waxaan rabaa inaan idinla wadaago, maalgashadaha iyo ganacsadaha Mareykanka ah ee weyn ee la yiraahdo  Elon Musk ayaa waxa uu aasaasay shirkadda ‘Neuralink‘, taas oo aan aaminsanahay iney arrintaa ka shaqeyn doonto, waxaanana filaynaa in shirkado kale oo arrintaa ka howlgala ay iyaguna soo bixi doonaan.”

Waxaa xusid mudan, in shirkadaha ay ka midka yihiin “Three Square Market” ee ka dhisan gudaha dalka Mareykanka ay ku dhawaaqeen wakhti sii horreeyay  iney damacsan yihiin soo iibsashada Chips yaryar oo elektaroonik ah oo ay ku tallaalaan jirka shaqaalaha shirkadda, si ay  uga caawiyso furitaanka albaabada(irdaha) shirkadda iyo howlo kale.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close