WararkaWaxbarashada

Sharjah international Book Fair oo Maanta lagu Soo Bandhigayo Nuskhad tan Ugu Faca Weyn Adduunka ee Qur’aanka Kariimka ah

Sharjah international Book Fair oo maalinimadii shalay si rasmi ah uga furmay Imaaraatka Carabta, ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigayaa nuskhad tii ugu cimriga dheerayd ee laga hayo musxafka Qur’aanka Kariimka ah.

Carwadana buugaagta ayaa ee Sharjah international Book Fair  ayaa sanadkan waxaa marti sharaf u ah dowladda UK, waana sanad loo dabaaldagayo xiriirka muddooyinkii dambe sii xoogeysanaya ee Ingiriiska iyo Britain.

Britain ayaa goobta bandhigga looga qoondeeyay kusoo bandhigeysa, nuskhad tan ugu qadiimsan adduunka ee laga hayo “Musxafka Qur’aanka Kariimka ka ah”, waa mid ka mid ah waxyaabaha naadirka ah ee yaalla makatabadda jaamacadda Birmingham ee gudaha UK. Bandhigga nuskhaddan Qur’aanka Kariimka ah ayaa fursad u ah cilmibaayaasha iyo dadka aqoonta jecel, waxaana bandhiga lagu dhex qabanayaa nadwo lagaga doodayo nuskhadan Qura’aanka ah oo ay ka qeybgalayaan khubaro ku takhasustay far-qoraalkii hore iyo haddaha islaamka.

Waxaa kale oo qeybta Britain u gaarka ah lagu soo bandhigayay waxyaabihii ugu dambeeyay ee dhanka suugaanka uu dalkaasi ka gaaray, iyadoo ay ka qeybgalayaan bandhigga qoraa iyo aqoonyahanno sarsare oo dalkaas u dhalatay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close