WararkaWaxbarashada

Shirkad Japanese ah oo Habkan u Abaalmarineysa Shaqaalaheeda aan Sigaarka Cabin

Shirkad Japanese ah ayaa shaqaaleheeda aan sigaarka cabin siisay fasax dheeraad ah oo ka badan kan ay qaataan shaqaalaha kale ee sigaarka caba oo iyagu qaata fasaxyo kooban oo la siiyo xilliga ay sigaarka cabayaan.

Shirkadda Suuqgeynta Piala ayaa go’aansatay iney shaqaaleheeda siiyo fasaxyo dheeraad ah oo lasoo kordhiyay September tii lasoo dhaafay, kadib markii shaqaalaha kale ee aan sigaarka cabin ay ka sheegteen cadaalad darro maadaama saaxiibadoda sigaarka caba la siiyo fasaxyo goosgoos ah xilliyada ay sigaarka cabayaan.

Mr Matsushima oo ah afhayeen u hadlay shirkadda ayaa yiri: “Mid ka mid ah shaqaalaha ayaa sanduuqa cabashada shirkadda dhigay fariin xilli hore oo sanadkan ah, taas oo uu kaga cabanayay in fasaxyada la siiyo dadka sigaarka caba ay dhibaato ku tahay shaqada.”, isagoo markaa uga cabanayay in shaqaalaha qaarkood ay heleen fasaxyo ka dheeri ah saaxiibadood.

Jariidada Independent ee kasoo baxda gudaha UK ayaa sheegtay in maamulaha shirkadda oo la yiraahdo Takao Asuka  uu go’aansaday inuu fasax dheeraad ah siiyo dadka aan sigaarka cabin, si shaqaalaha loogu dhiirigeliyo iney sigaarka ka go’aan kuwa kale ee aan sigaarka cabina ay u dareemaan cadaalad.

Japan ayaa kaalmaha hoose kaga jirta dowaladaha la dagaalama sigaar cabista, dadka reer Japan waxaa lagu tiriyaa iney sigaarka cabaan 18%.

Maandeeq FM

Related Articles

Close