WararkaWaxbarashada

In Ka Badan 100 Arday oo Deeq Waxbarasho Ka Helay Dalka Suudaan oo Xaflad Sagootin ah Loogu Qabtay Muqdisho

115 arday oo ka mid ah ardaydii minxada waxbarasho ee dalka Suudaan ku guuleystay ayaa xaflad sagootin ah loogu sameeyay magaalada Muqdisho.

Xafladdan ayaa waxaa soo agaasimayay wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana goobjoog ka ahaa wasiirka wasaaradda waxbarashada, mas’uuliyiinta sarsare ee wasaaradda iyo xubno kale oo ka socday safaaradda Suudaan ee Soomaaliya, ardayd, waalidiin iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladda.

Cabdiraxiim Sandiin oo ah ku simaha safiirka Suudaan ee Soomaaliya ayaa ka hadlay in labada shacab ee Suudaan iyo Soomaaliya ay yihiin dad aad iskugu dhaw dhinac walba:

“Waalidiinta waxaan ugu qalbi dajineynaa in ilmihiinnu ay la jaanqaadayaan mujtamac shabaha kan Soomaalida, Suudaan ahaan nahay waxaan niraahnaa Soomaalidu dadka iyagaa inoogu dhaw, wax kasta marka la eego, waalidiinta waxaan uga mahadcelinaynaa iney nagu aamineen caruurtooda da’dayar, waan xanaaneyn doonnaa illaa ay idin kala soo laabtaan shahaadooyin sarsare.”

Dhanka kale, wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa ka hadlay inaaney marnaba ogolaaneyn musuqmaasuq iyo wax is dabamarin, waxaanuu ardayda kula dardaarmay iney u diyaargaroobaan jawiga cusub ee ay wax ku baranayaan si ay ula qabsadaan:

“Ma aqbaleynno in wax musuqmaasuqa lagula dhaqmo haba yaraatee arday miskiin ah oo soo dadaalay, in inta booska laga qaado mid kale oo aan xaq u lahayn la keeno cuqubo ayaa ka ratibmeyso taas ma ogolin anaga, markaad halkan ka tagtaan waxyaabo kale ayaad la kulmeysaan, waxaad la kulmeysaan dal kale oo aan idinku af ahayn oo laga yaabo inaad dhaqanka ku kala duwan tihiin, raashin cusub ayaad la kulmeysaan, marka waxaas oo dhan inaad u sii tabaabu shaysataan ayaa loo baahan yahay, si aad ula qabsataan jawigaas.”

Si kastaba, dowladda Suudaan ayaa waxaa wax ku barta arday Soomaaliyeed oo aad u tiro badan, iyadoo dadka reer Suudaan ay dhaqan ahaan iyo midab ahaan si aad ah ugu dhawyihiin Soomaalida.

Maandeeq FM

Related Articles

Close