WararkaWaxbarashada

Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xukun Ku Riday Nin Dacaayad Been-abuur ah Ku Qoray Bartiisa Bulshada

Gudoomiyaha maxkamada Maroodi Jeex Axmed Dalmar Ismaaciil ka hadlay xukun ay maxkamadu ku riday nin lagu eedeeyey inuu been abuur ku sameeyey maxkamadda Ibraahim Koodbuur.

Gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodijeex  ayaa sheegay inay maxkamadu xukun Hal-sano ah ku riday Cabdiqaadir Maxamed Ismaaciil kaas oo ku eedaysnaa inuu baraha bulshada ku faafiyey eedaymo ah in lacag laaluush ay ka qaadday maxkamada degmada Hargeysa, gaar ahaan waaxda Ibraahin Koodbuur.

Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Maroodi Jeex Axmed Dalmar Ismaaciil oo ka hadlaya xukunka ay maxkamadu soo saartay waxaanu yiri “Maxkamada gobolka Maroodi-jeex/Hargeysa waxa la hor keenay dacwada ciqaabta ah ee sumadeedu tahay 1196/2017 taa soo uu eedaysane ka yahay Cabdiqaadir Maxamed Ismaaciil ( Ina Shamis Cabdilaahi oo 32 jir ah) kaas oo galiyey baraha ay bulshadu ku kulanto borobogaando ka dhan ah maxkamada degmada Ibraahin Koodbuur, isagoo yidhi waxaa la iga qaaday lacag laaluush ah, markii dacwadaas la soo baadhay waxa la hor keenay maxkamada gobolka Maroodijeex, waxaanu sheegay eedaysanuhu inuu iska ciyaarayey ee wax lacag ah oo laga qaadanay aanay jirin oo aan ka ahayn 10$ oo ahaa garaacis looga qaaday xukun loo soo saaray oo ahaa dacwad madani ah, iyada oo sharcigu sheegayo in xukunada dacwadaha madaniga ahi marka ay soo baxaan waxa qofka dacwada loo xukumay laga qaadaa bog kasta 10,000 shilin, taas oo loo jaro juwan sharci ah balse wax jeebad ku dhaca iyo Zaad lagu shubto midna maaha.”

Gudoomiye Axmed Dalmar Ismaaciil oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Markii loo akhriyey warqada eeda ee la yidhi waxaad garsoorka ka faafisay dacaayad been-abuur ah waxa uu ku jawaabay waan qabaa dambigaa oo aniga ayaa galay dheel dheel ayaanay iga ahayd, maxkamaduna waxay ku xukuntay dambiile Cabdiqaadir Maxamed Ismaaciil oo loo yaqaano Janan Oogo halsano oo xeer ciqaabeed ah oo uga bilaabmaya maalintii xoriyada laga qaaday, kaas oo aan xadhig iib lahayn.

Si kastaba, arrinta ayaa u muuqata tallaabo lagu ilaalinayo awoodda sharciga oo la muujinayo inaaney ciyaar marnaba gelin garsoorku.

Xigasho: Hadwanaag News

Maandeeq FM

Related Articles

Close