arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Bisad Jordanian ah oo Shaqo Diblomaasiyadeed ka Heshay Safaaradda Ingiriiska ee Amman

Bisan Jordanian ah  ayaa loo magacaabay jago sare, safaaradda Ingiriiska uu ku leeyahay gudaha dalka Jordan. Mansabkan cusub ee bisadda ayaa ah mid safaaraaddu uga golleedahay madadaalo ay doonayso in lagu maadsado.

Saafaraadda ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday iney Bisada siisay naaneysta “Dibulmaasi” ku takhasusay ugaarsiga Jiirka.

Si kaftan ah ayaa saafaaraddu u tiri, mas’uulka ugu sarreeya bisadaha ee ka howlgala xafiiska arrimaha dibadda ee London bisada magaceeda la yiraahdo “Ballerston”, ayaa soo magacawday “Abdoun”-bishadan cusub- iney noqdoto safiirkeeda dibadda. Mid ka mid ah shaqaalaha ayaa duubay muuqaal lagu soo dhaweynayo marka ay bisadda cusub ku biiraysay shaqaalaha rasmiga ah ee safaaradda.

Saacado kooban kadib, waxaaba barta Twitter looga furay xisaab lagala soconayo wararka bisadan oo durbaba caan ka noqotay adduunka, iyadoo qoorta loo suray  katiinad lagu xardhay calanka Britain.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close