arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Da’da Ugu Habboon ee Gabdhuhu Ku Guursan Karaan

Marka gabdhuhu ay gaaraan da’da guurka waxay isweydiiyaan su’aalo muhiim ah oo ku saabsan noloshooda iyo sida guurkoodu u guuleysan karo, iyagoo sababta su’aal isweydiintu tahay iney heleen guur ay ku xasilaan oo ay farxad ka helaan, kana maran mushkiladaha iyo dhibaatooyinka keena furniniinka.

Waxaase muhiim ah in gabadhu ay leedahay diyaargarowgii jireed iyo kii nafsiyeed ee ay ku waajihi lahaayeen mus’uuliyadaha uu guurku leeyahay.

Da’da ugu Wanaagsan ee Gabadhuhu ku guursan karaan

Daraasado badan oo la sameeyay iyo cilmibaarisyo kala duwan waxay natiijadii kasoo baxday noqotay mid isku dhaw, waxayna inta badan tilmaamaysaa da’da 25-35 jirku iney tahay tan ugu habboon ee gabadhu ay ku guursan karto.

Sababaha da’daa loo xushay maxay tahay:

1  .Koritaanka Jirka oo dhameystirmaya, gaar ahaan habdhiska xubanaha taranka jirka, iyadoo riximku uu xilligaa u diyaarsan yahay inuu caruur uu qaado.

2  .Waxaa da’daa aad u sarreeysa filashada iney haweenaydu uur qaado, halka ay yaraato khatarta dhibaatooyinka uurka iyo dhalmada la xiriira.

3  .Gabadha oo bistaanshiyo dhab ah gaarta, caqli ahaan iyo nafsi ahaanba u dhameys tiranta, waxay leedahay xikamad iyo dulqaad ay u yeelato mas’uuliyadda nolosha, iyadoo xilligaa go’aanno sax ah qaadan karta qofka ay nolosha la wadaageyso.

4  .Gabdhaha qaar oo xilligaa gaara isku filnaashiyo dhanka maaliyadda ah, taas oo badanaa keeneysa iney hesho nolol guur ah oo xasilloon.

Maandeeq FM

Related Articles

Close