WararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub: Yaa Ku Badan Codsiga Furriinka Ragga iyo Dumarka?

Cilmibaarayaal ka tirsan jaamacadda Michigan ee gudaha dalka Mareykanka ayaa sameeyay daraasad ay ka ogaadeen sababa furniinka iyo kala tagga qoyska keenta.

Websiteka “Phys.org” ayaa lagu daabacay faahfaahinta daraasaddan, cilmibaaryaasha jaamcadda Michigan ayaa baaritaanno kala duwan ku sameeyay 355 qoys oo kulanno ka duwan iyo su’aalo weydiin lagu sameeyay muddo 16sano ah, su’aalaha dadkaa wax laga weydiinayay waxaa ka mid ahaa; sababta is qabqabsiga iyo khilaafka qoyska keenta.

Sida ay natiijada ku faafiyeen, waxaa kala taggu dhacayay marka ninku qirto in dhibaato dhanka xiriirka ah ay jirto ee uu bannaanka ula soo baxo, dumarka ayaa ahaa kuwa ugu badan ee niyadjabka ka muujinayay nolosha guurka oo ay ku tilmaamay mid aan guuleysan.

Waxaa kale oo cilmibaarayaashu ogaadeen in dumarku ay ahaayeen kuwo Labo jibaar ka badan ragga dhanka dacwadaha furniinka lagu codsanayo, iyadoo la ogaaday inaan wax tanaasul ah aaney u sameyn dumarku si loo badbaadiyo nolosha guurka.

Bilowga xiriirka guurka dadka ugu badan ee ku dhibaatooda la qabsigeeda waa dumarka, iyadoo dhibaatadu ay sii kordhayso marba marka ka dambeysa, taas oo ugu dambeyn keenaysa inuu xiriirkii guurku burburo oo la gaaro heer kala tag ah.

Agaasimaha cilmibaaristan oo la yiraahdo Keira Berditt ayaa tilmaantay in dumarku ay guurka ka sugaan arrimo ka wanaagsan noloshoda kale ee caadiga ah si ka badan ragga oo iygu noqda kuwo aad u wanaagsan bilowga nolosha guurka.

Si kastaba, waxyaabaha ugu badan ee dumarku ay tabaan xilliga nolsha guurka ayaa ah farxaddii iyo xiriirkii kalgacayl ee joogta ahaa ee ay heli jireen wakhtiga wadasheekaysiga guurka ka horreeya, iyadoo raguna ay inta badan arrintaa iska fududeystaan oo markii ay guursadaan wejigooda dhabta ah ay la soo baxaana iyagoo moodaya in madadaaladii iyo xiriirkii kalgacaylka lahaa oo soo jiidasho aan looga baahneyn.

Maandeeq FM

Related Articles

Close