arrimaha bulshadaDugsiyadaWararkaWaxbarashada

Imaaraatka.. Nus-milyan Qof oo Iska Diiwaangelisay Minxada “1 Million Arab Coders” Isbuuc Gudihii

Isbuuc gudihii waxaa iska diiwaangeliyay 500 kun oo dhalinyaro ah, si ay kursi uga helaan minxada waxbarasho ee programming-ka ah ee mashruucii Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum oo halmiyan oo Programming carbeed ah loogu talogalay.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Imaaraatka, Nus-milyan qof oo ka tirsan 22 dowladood ayaa daafaha dunida ayaa isbuuc kaliya isku diiwaangeliyay, waxaana ugu badan dadka isdiiwaangeliyay dalka Masar, halka Sucuudigana ay galeen kaalinta 2aad.

Wakaaladda ayaa sheegtay in duruustu ay bilaabaneyso marka ay dhamaato xilliga isdiiwaangelinta oo ku eeg bisha Janaayo, 2018, waxayna waxbarashadu soconeysaa muddo 2 sano ah, ugu dambeyn waxaa laga xulan doonaan programmer-rada ugu wanaagsan iyo macallimiinta ugu fiican ee dunida Carabta.

Mashruucan ayaa fulintiisa waxaa u xilsaaran mu’asasada Mustaqbalka Dubai ee hor-u-marinta, iyadoo ardayga kaalinta Koowaad gala la siinayo 1Milyan oo dollar, halka macallinka ugu wanaagsanna la siin doono nus-milyan doolarka Mareykanka ah markii ay munxadu dhamaato.

Maandeeq FM

Related Articles

Close