DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Waatan Sirta “Cabqaraddii” Steve Jobs!

Daraasad cusub, culumada-sayniska neuroscientists ee dhanka neerfaha ayaa ogaaday in socodka saacado tiro badan la socdaa uu caqliga kordhiyo hal-abuurinmada qofka uu kor u qaado.

Sida ay qortay jariidada The Independent ee kasoo baxda dalka Ingiriiska, Steve Jobs aasaasaha shirkadda “Apple”, waxa uu sameyn jiray hiwaayadda uu ugu jecelyahay ee fakarka oo ka dhigtay inuu noqdo hal-abuure teknoolajiyadeed, waxa uu socon jiray masaafo dhaadheer si uu fikradihiisa iskugu dubarido.

Jariidada waxay sheegtay in Jobs, sida lagu qoray buugga xasuus qorkiisa, in maalintii saacado badan ayuu socon jiray, si uu u hormariyo awoodihiisa caqliga maskaxdiisana uu u furfuro, fakarkiisana uu ugu bedelo wax la taaban karo, isagoo adeegsanaya xeeladaha kala ah socodka iyo in caqliga la nasiyo.

Steven Paul Jobs, waxa uu dhashay 1955, waa hal-abuure iyo gacansade adduunka oo dhan caan ka noqday. Waxaa lagu yaqaannay inuu ahaa aasaasaha iyo maamulihii ugu horreeyay ee shirkadda Apple, waxa uu geeriyooday sanadkii 2011; intii uu shirkadda gacanta ku hayay waxaa iftiinta u soo baxay oo markii ugu horreysay adduunka kusoo kordhay qalabka, iPod; iPhone; iPad.

Maandeeq FM

Related Articles

Close