WararkaWaxbarashada

Wasiirka Waxbarashada XFS: Ballan ayaan Ku Qaadnay Inaan Keenno Wasaarad Firfircoon

Wasiirka waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay iney wadaan qorshe ay ku hormarinayaan wasaaradda isla markaana ay uga dhigayaan mid firfircoon.

Wasiirka oo hadalkan u jeediyay shaqaalaha wasaaradda waxbarashada ayuu xusay iney dhowaan isbedel lagu sameeyay agaasimayaasha wasaaradda qaarkood, iyadoo xilalka ay maanta la wareegeen 9 kamid ah agaasimayaasha cusub ee wasaaradda.

Wasiir Cabdiraxmaan Daahir ayaa tilmaamay in  agaasimaayashan cusub looga fadhiyo iney qabtaan shaqooyin badan, lana yimaaddaan howlkarnimo dheeraad ah.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay maanta inaan halkaan u fadhinno inaan soo dhammeystirno dhismihii wasaaradda iyo qaabkii ay u shaqeyn lahayd, tanna waxay Kow ka tahay ballanqaadii aan sameennay markii nala soo magacaabay oo aan wasaaraddan imid, xukuumadda hadda jirto oo Ra’iisul wasaaraha ka yahay Xasan Cali Kheyre waad ogtihiin markii halkaan la yimid waxaan qaadannay qorshihii aan ku shaqeyn lahayn, ballan ayaan ku qaadnay inaan keenno wasaarado firfircoon leh qaab shaqo oo dunida caadiga oo kale ah, awood leh iyo shuruuc hagaya iyo shaqaale fir fircoon” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu waday isbedello ballaaran oo dhanka wasaaradda ah,  isagoo horey u ballaanqaadyo inuu wasaaradda isbedel wanaagsan ku sameyn doono.

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close