CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

5 Calaamadood ee Lagu Garto Marka uu Jirku u Baahan yahay Vitamin “B12”

Faytamin B12 waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay mid lagama maarmaan u ah caafimaadka iyo hagaajinta howlaha habdhiska neerfaha jirka.

Marka uu jirka ku yaryahay faytamiinkaas waxaa kasoo muuqda calaamado farabadan oo ay ka mid yihiin:-

1 .Xasuusyari, marka uu jirka ku yaraado faytamiinkan, waxa uu dhaliyaa mushkilado dhanka urugyada dhiigga cas, taas oo keenaysa in Oxygen-ku uu dhiigga ku yaraado, kadibna Oxygenka maskaxda gaaraya ayaa yaraaneya, waxaana ka dhalaneysa in xasuustu daciifto.

2 .Caajis iyo daal, gaar ahaan dhanka lugaha ah iyo farahaa oo kabaabyo aad ka dareemayso.

3 .Depression- Murugo, marka faytaamin B12 uu jirka ku yaraado waxa uu saameyn taban ku yeelanayaan hormoonada Serotonin iyo dopamine, arritintaas oo keenaysa inuu qofku murugoodo oo walwalna ku furmo.

4 .Madax xanuun iyo neefta oo qofka ciriiri ku noqota.

5 .Dhibaatooyin dhanka aragga iyo neerfaha la xiriira.

Marka aad astaamaha dareento waxaa lagama maarmaan ah inaad dhakhtar la tashato si uu kuugu tilmaamayo wadada ugu habboon ee aad ku heli karto Faytamiinka. Iska ilaali inaad naftaada dhakhtar u noqoto si aan ku talagal ahayn ayaad naftaada dhibaato ugu horseedi kartaaye.

Maandeeq FM

Related Articles

Close