arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Al Jazeera oo Labo Abaalmarin oo Heer Caalami ah Ku Guuleystay Gudaha London

Janalka Aljazeera ayaa Arbacadii ku guuleystay labo abaalmarin oo “AIB” ah ee warbaahinta caalamiga ah ay ku tartamaan labada dhinac siyaasadda iyo la falgalka bulshada oo ah nooc ku cusub saxaafadda caalamka.

Barnaamijka isbuuc laha ah ee “101 East” ayaa ku guuleystay abaalmarinta AIB ee dhanka siyaasadda, iyadoo lagu qadariyay xalqaddii madaxweynaha Philippine ee Rodrigo Duterte iyadoo xalaqadaa uu soo saaray uuna soo jeedinayay Stebe Chao. Sidaas oo kale jenelka ayaa ku guuleystay AIB ee dhanka saxaafadda falgalka bulshada oo ah nooc ku cusub warbaahinta oo dadweynuhu ay ka qeybqaadanayaan soo saarista warka.

Giles Trendle oo ah agaasimaha Aljazeera English ayaa yiri:”Waan ku farax sanahay labadan abaalmarinood, waxay markhaati ka yihiin tayada wararka aan ka baahinno shaashadeenna, waxayna xoojineysaa awoodda Aljazeera ee janallada ku hadla luqadda English-ka, waxaa arrintan noo qiraya saxafiyiinta iyo dadka ka howlgala warbaahinta, xilli ay saxaafaddu marayso wakhti si isasoo taraysa loo caburinayo.”

Abaalmarinta AIB ayaa ka mid ah abaalmarinnada ugu heerka sarreeya taas oo lagu qiimeeyo shaqada warbaahinta oo dhinacyo kala duwan laga eego, waxaana xubinimada abaalmarinta ku jira warbaahinno farabadan, waxana helidda abaalmarinta ku tartama warbaahinno kala duwan oo adduunka daafihiisa ka kala dhisan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close