WararkaWaxbarashada

Jaamacadda New York oo Xiriirkii u Jartay Jaamacadda Abu Dhabi

Jaamacadda New York ayaa ku dhawaaqday iney xiriirka u jartay jaamacadda Abu Dhabi ee dalka Imaaraatka, sababo ay jaamacaddu ku sheegtay iney dhibaato u keeni karto sumcadda Jaamacadda Mareykanka ah.

Go’aankan ayaa soo baxay kadib markii UAE ay labo Professor oo jaamacadda ka tirsanaa u diidday iney ka howlgalaan faraca jaamacadda ee gudaha Imaaraatka, sababo siyaasadeed iyo mid diimeed darteed. Waana labada Professor ee kala ah macallin dhanka saxaafadda ah Professor Mohamad Bazzi iyo macallinka daraasaadka bariga dhexe iyo daraasaadka islaamka ku takhasusay ee Professor Arang Keshavarzian, iyadoo labadaa macallin lagu haysto koox diimeed ay ka tirsan yihiin iyo ra’yigooda siyaasadeed oo ay dhici karto iney wax ka sheegeen siyaasadaha Imaaraatka.

Jaamacadda ayaa caddeysay iney go’aankan qaadatay kadib markii ay cabashooyin gaarsiisay Abu Dhabi si khaladaadka jira loo saxo, sumcadda jaamacadana aan la waxyeelayn iyo qiimaha sare ee ay doonayso iney faafiso, laakiin Abu Dhabi arrintaa kagama aaney jawaabin sidii loo baahnaa.

Xigasho: Aljazeera

Maandeeq FM

Related Articles

Close