WararkaWaxbarashada

Qalabka Elekataroonigga oo laga Saaro Qolka Jiifka Waxay Hagaajisaa Hurdada iyo Habdhaqan Caruurta & Dhalinyarada

Cilmibaayaal Mareykan ah ayaa ku talinaya in qalabka elektarooniga laga fogeeyo, kaas oo telefishinka iyo computer-ka ay kaw ka yihiin caruurta iyo dhalinyarada.

Cilmibaayaal ka tirsan jaamacadda Pennsylvania ee dalka Mareykanka, ayaa faafiyay natiijada cilmibaaris ay sameeyeen oo ay ku faafiyay jariidada  Journal of the American Society for the Advancement of Science.

Cilmibaarayaasha ayaa daraasadda ay sameeyay  udub dhexaad uga dhigay natiijooyin cilmibaarisyo hore oo laga gaaray natiijooyin wax ku ool ah, taas oo ah adeegsiga qalabka electarooniga ah hurdada ka hor auu keeno hurdo yari aan caafimaadka u wanaagsaneyn.

Cilmibaarayaashu waxay kula talinayaan aabayaasha iyo hooyooyinka iney lagama maarmaan tahay in caruurta qolkooda hurdada laga dheereeyo qalabka elektaroonigga ah oo ay adeegsan karaan hurdada ka hor. Si aaney saameyn ugu yeelan hurdada lagama maarmaanka u ah nolosha qofka.

Kooxda cilmibaarista sameysay ayaa tiri: “Haddii caruurta iyo dhalinyarada lagu arko dabeecaddoodii oo isbedeshay iyo mushkilado aaney lahaan jirin, arrintaas waxaa sabab u ah inaaney helin hurdo ku filan.”

Dr Orio Buxton oo ah Professor wax ka dhiga biomedical health ee jaamaadda Pennsylvania ayaa yiri “Cilmibaarisyadii la sameeyay dhammaantood waxay isku raacsan yihiin iney jirto xiriir aan wanaagsaneyn(taban) oo ka dhexeeyay qalabka elektarooniga ah iyo hurdada wanaagsan, xilliga hurdada oo laga dib dhacaana waxay keenaysaa wakhti ku filan oo la seexan waayo.”

Si kastaba, hurda yarida ayaa waxaa laga dhaxlaa cudurro badan oo dhibaato caafimaad oo  depression, stroke, ka mid ka yihiin,  waxbarashada dhallaankana hurdo yaridu dib ayay u dhigtaa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close