WacyigelinWararkaWaxbarashada

Waa tan Mihnadaha Mustaqbalka Ugu Wanaagsan Ku Leh Suuqa Shaqada!

Wakaaladda Bloomberg ayaa mar ay kala saareysay takhsusaadka sheegtay in codsiga aad ugu badan doono raadinta shaqooyinka rakibaadda Soolarka qoraxda ee guryaha dushooda lagu xiro.

Sida laga soo xiganayo xafiiska tirakoobyada shaqada, codsiga dadka farsamada soolarka ku takhsusay ayaa aad u badan doona Tobonaanka sano ee soo aaddan.

Kaalinta labaad ayaa waxaa soo galay , farsamo-yaqaannada rakiba marawaxadaha dabaysha ku shaqeeya ee korontada laga dhaliyo, iyadoo sababtuna tahay iney soo badanayaan dowaladaha doonaya iney ka faa’ideystaan tamarta dabaysha ee korotada laga dhaliyo.

Mihnadda Saddexaad, ee codsigeedu sii kordhayo mustaqbalka dhaw ayaa ah caawiye kalkaaliyaha caafimaad.

Kaalinta 15 ee ugu horreeyay inta badan shaqooyinka waxay ku saabsanaayeen xisaabta tirakoobyada iyo xisaabta, waana sida ay Bloomberg qortay, 15 shaqo ee ugu horreeyay 8 ka mid ah ayaa ku saabsanaa dhanka caafimaadka.

Iyadoo ay jirto mushaarka sanadlaha ah ee uu qaato qofka rakiba soolarka inuu yahay 40 kun oo doolar, ayaa hadana tirada mushaarka ay laba laabmaysaa 10sano ee soo aaddan sida ay khubaradu sheegayaan,  waana marka la eego dowladaha hor-u-maray.

Laakiin mihnadda ugu mushaarka sarreysa 15 mihnadood ee ugu mustaqbalka wanaagsan suuqa shaqada ayaa ah cilmiga Xisaabta oo qofka takhsuskiisa leh mushaarkiisa sanad laha ah uu dhaafayo 100 kun oo doolar, halka ay ugu mushaarka hooseeyaan darawallada tareennada, shaqaalaha boostada iyo farsama-yaqaannada saacadaha.

Maandeeq FM

Related Articles

Close