CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Cilmibaarayaal Hor-u-marin Ku Sameeyay “Titanium” Si Loogu Bedelo Lafaha Baaliyooba

Cilmibaayaal ka tirsan jaamacadda Qaranka Ruushka ee Teknoolajiyadda oo kaashanaya culumo u dhashay dalka Canada ayaa soo saaray nimaad lafo macdan ka sameysan ah oo aad u heersareeya laguna bedeli karo lafaha baaliga noqday ee duugoobay ama dhamaaday ee aadanaha.

Maqaal lagu qoray joornaalka “Materials Science“, culumada Sayniska ee qarnigii 20aad waxay sheegeen in lafaha aadanaha ay jabi karaan isla markaana ay dhibaato soo gaari karto, sida inta badan dhacda, nolosha xilligan casriga ah dadku way ka dhaqaaq yaryihiin xilliyadii hore, arrintaas oo dhibaato ku keenta lafaha oo noqday kuwo sidii hore ka nugul, gaar ahaan dadka waayeelka ah,  kuwaas oo jabitaanka u nugul, aadanuhuna waxay noqdeen hadda kuwo aad ugu baahan maaddo bedeli karta lafaha oo lagu kabi karo.

Sidaa darteed, cululmadan saynisyahannada ah ayaa soo hindisay iney isku daraan macdan kala duwan, titanium; zirconium iyo niobium, si looga hortago mirirka, waana arrin lagama maarmaan ah, maxaa yeelay; jirka aadanaha waa goob aaney birta iyo adkaha oo dhan aan ogoleyn, soona weeraraya markii ay macdan gudaha u gasho, laakiin Alloys-kan macdanta ah ee cusub ayaan ahayn kuwo aan sun ku ahayn jirka aadanaha.

Maandeeq FM

Related Articles

Close