UncategorizedWararkaWaxbarashada

Madaxweyne Trump oo Dulqaadkii Ka Dhamaaday Quudin uu u Sameynayay Kalluun Gudaha Dalka Japan

Donald Trump madaxweynaha dalka Mareykanka oo hadda safar ku jooga dalka Japan ayaa mowjado dhaleecayn ah kala kulmay baraha bulshada dulqaad yaraantiisa darteed, kadib markii sanduuq raashin ah uu markaliya ku faaruqiyay kalluun Koi oo xero uu ku jiray lagu quudinayay.

Madaxweyne Trump iyo ra’isul wasaare Shinzo Abe ayaa mar wada bilaabay iney kalluunka raashinka siiyaan, laakiin sida muuqata Donald Trump waa uu ku sabri waayay si sheekadu marun uga dhamaatana raashinkii ayuu kalluunka marqura ku faaruqiyay iyadoo caadadu ahayd in si tartiibtartiib ah raashinka loogu quudiyo, dhacdadan ayaa aad ugu qoslisay wasiirka arrimaha dibaddda Mareykanka Rex W. Tillerson oo markaa socdaalka ku wehelinayay.

Habdhaqankaa madaxweyne Trump ayaa waxa uu marqura kiciyay hirar dhaleencayn ah oo dhanka Twitter-ka ah , halka ay dadku tilmaamayeen iney sida saxda ah ahayd in kalluunka raashinka si tartiib ah loogu daadiyo, halka aaney habbooneyn in marqura sanduuqa lagu faaruqiyo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close