WacyigelinWararkaWaxbarashada

Cilmi-ahaan.. Waa Tan Wadada Ugu Habboon ee Marka Qof Loo Tabinayo War Naxdin Leh

Haddii aad hayso war aan wanaagsaneyn oo aad dooneyso inaad u tabiso qofkii uu khuseeyay, waxaa jira xeelado aad si dagan ugu sheegi karto, sida inaad tiraahdo horta fariiso, in qofka loo sheego marka hore inuu u baahan yahay inuu cabbo koob shaaha iyo in lagu yiraahdo warkaan maanta kuu wado mid fiican maaha, laakiin waxaan jeclahay inaad adkeysi iyo dulqaad u yeelato.

Laakiin cilmibaaris dhawaan lasoo saaray ayaa sheegaysa in xeeladahaa hore aaney dadka oo dhan wada anficin, qaarkoodna ay walwalka iyo dhibaatada ku sii badiso, sidaa darteedna loo baahan yahay in isla markiiba qofla akhbaartii loo tabiyo.

Sida lagu qoray website-ka “Care2“,  cilmibaaryaal ka tirsan jaamacadda Brigham Young iyo jaamacadda South Alabama ayaa soo saarey natiijo ah in dadka intooda badani ay jecelyihiin in warka aan wanaagsaneyn isla markiiba loo tabiyo oo aan marka hore la madadaalin.

Daraasaddan oo ay ka qeybgaleen 145 mutadawac ayaa la soo hordhigay dhacdooyin kala duwan oo xanuunbadan oo qaarkood hordhacyo qofka lagu dajinayo oo kala duwan loo sameeyay, markaa waxaa usoo baxday in dadka intooda badani ay jecelyihiin in warka murugada leh si saraaxad leh loogu sheego intii marka hore la madadaalin lahaa, taas oo ay u arkaan iney walwalka ku badineyso.

Si kastaba, cilmibaaristan ayaa wax badan ka bedelaysa sidii markii hore la aaminsaa ee ahayd in tabinta wararka aan wanaagsaneyn marka hore hordhacyo  samarsiis ah laga hormarinayo oo dadku sida ay u kala aftahan san yihiin ay ugu kala samarsiin ogyihiin.

Maandeeq FM  

Related Articles

Close