WararkaWaxbarashada

Maamule Iskuul Hoose oo Lagu Soo Oogay Dacwad Dil ah Gudaha Dalka Sucuudiga

Waalid ka mid ah waalidiinta iskuul hoose oo ku yaalla dalka Sucuudiga ayaa maamulka iskuulka ku eedeeyay dilka canugyar oo uu dhalay, kadib markii iyadoo aan waalidka lasoo wargelin la siiyay raashin uu elerjig ku ahaa.

Sida lagu qoray jariidada “Sayidaty.net ” ee dalka Sucuudiga laga leeyahay maalinimadii shalay,  dugsi hoose oo ku yaalla gobolka al-Sharqiya ayaa ilmahan yar raashin uu siiyay ay keentay inuu u geeriyoodo, waalidkii ilmaha yar dhalayna waxa uu maamulkii iskuulka usoo jeediyay inuu dilka ka dambeeyay.

Sida uu sheegay aabaha ilmahayar dhalay ayaa yiri; iskuulku noomuu soo dirin wax warqad ah oo uu nagu ogeysiinayo in ilmaha yar raashin la siinayo, waxayna raashin siiyeen iyagoo aan eegin xaaladdiisa caafimaad, maadama uu qabay cudurrada la iska dhaxlo oo aad u daran.

Waalidkan ayaa hadalkiisa intaa sii raaciyay in canugan yar uu caafimaadkiisu wanaagsanaa inta aan raashinkan uu elarjiga ku ahaa la siin, laakiin markii uu guriga soo gaaray waxa uu bilaabay, ayuu yiri, matag iyadoo ay markaa kasoo wareegtay 5 saacadood xilligii uu raashinka qaatay.

Warbixintii kasoo baxday caafimaadka ayaa sheegtay in canugan yar ay kalyuhu fariisteen, iyadoo raashin uu ku sumoobayna uu dhaliyay geeridiisa degdegga ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close