arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Barnaamij Cusub oo Lagu Baranayo “Aqoonta Jacaylka” Si Ka Duwan Habka ay Dadbani u Yaqaanaan!

Barnaamija cusub oo lagaga hadlayo aqoonta jacaylka oo loo diyaariyay hab cilmiyeed heersare ah ayaa waxaa isku xilqaamay inuu soo saaro Ahmed Ali Diriye oo horey loogu bartay barnaamijkii hagaha qoyska.

Barnaamijka “aqoonta jacaylka” ayaa noqonaya kii ugu horreeyay inta la ogayahay ee noociisa oo kale ee laga daawado gayiga ay Soomaalidu dagto.

Ahmed Ali oo ka hadlayay ulajeedada barnaamijka cusub ayaa yiri: “Aqoonta jacaylka waa barnaamijkii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee noociisa ah, kaas oo aan jacaylka uga hadli doonno si ka duwan siyaabaha ay Soomaalidu uga hadasho oo ay kasoo dheegtaan filimada, heesaha cishqiga ah, sheekooyinkaiyo waayo aragnidmada qofeed ee jacaylka.”

Waxa uu Axmed sheegay si farxadda qoyska kor loogu qaado ay  lagama maarmaan tahay in la barto aqoonta qoyska oo xasiillooni iyo nolol wanaagsan horseedda:

“Barnaamijkani waxa uu ku saleysnaan doonaa cilmibaarisyo kala duwan oo ay sameeyeen culumada cilmi-nafsigu kaas oo bulshadu dhexdooda ka faa’ideysan doonto. Markii la arko qoysas badan oo bilaa farxad ku nool ayaa la dareemayaa in loo baahan yahay in laga hadlo si lamaanayaasha is qabaa uga faa’ideystaan, barnaamijkan farriinta uu gudbnayaa waa in hor-u-marka dalku ku jiro qoyska oo hagaaga, hagaaga qoyskuna uu ku jiro lamaanaha oo aqoonta qoyska yeesha.”

Barnaamijkan waxaa laga soo dheehday barnaamijyo uu sameeyay Dr. Dhaariq al-Xabiib oo ah aqoonyahan cilminafsiga ku takhasusay oo arrimaha qoyska si wanaagsan uga faallooda aadna caan uga ah dalalka Carabta, sida uu soosaaraha barnaamijku sheegay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close