CaafimaadkaUncategorizedWararkaWaxbarashada

Cilmibaaris.. Soonka Googooska ah Waa Sirta Dhalinyaranimada iyo Cimri-dherarka

Daraasad ay sameysay jaamacadda Harvard ayaa lagu ogaada in Soonka goosgooska ah uu jirka aadanaha ku sii hayo dhalinyaranimada, cimri dherarna uu qofku ka dhaxlo.

Arrintan ayaa ah natiijo kasoo baxday cilmibaaris  ay jaamacada Harvard ka sameysay faa’iidooyinka soonka laga helo iyo dhibaatooyinka uu leeyahay, iyadoo natiijadii ugu dambeysay ee cilmibaarista kasoo baxday lagu ogaadayn in soonka goosgooska ah laga dhaxlo cimiridherar iyo dhalinyaranimo.

Cilmibaarayaasha ayaa helay in raashinka oo laga soomo ay ilaaliso dheelitiranka mitochondria oo ah qeyb muhiim ah oo ka mid ah unugyada jirka, taas oo dhankeena qofka ka garabsiineysa iney noloshiisu hagaagto.

Nidaamkan ayaa waxaa hadda raaca dad bulshada reer galbeedka magac ku leh oo ay ka mid yihiin; jilaaga dhanka filimanta Hollywood-ka  Bendedict Cumberbath, gabadha heesaaga caanka ah ee  Beyonce iyo kuwo kale, waxay raacaan nimaadka soonka goosgooska ah oo heer Caalami loo yaqaanno “5:2”, waa nimaad cuno oo 5 maalmood wixii la heli karo la cunayo, halka 2 cishana laga soomayo isbiica, iyadoo marwalba raashinka la iska xadidayo oo aan lagu talaxtageyn.

Habkana ayaa ah sunadii Nabi Maxamed N.N.K.H laga soo gaaray ee isbuucu ugu nidaamsanaa, waxa uu Soomi jiray Isniinta iyo Khamiista isbuuc walba.

Si kastaba, habkan cusub ee cilmibaarista ayaa la filayaa iney fure u noqdo si loo helo dawooyin muhiim ah oo faa’iido badan oo dhalinyaranimada qofka lagu ilaaliyo, halka qofka Muslimka ahna ay u tahay labo fursadood oo adduunkiisa iyo aakhiradiisaba u wanaagsan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close