WacyigelinWararkaWaxbarashada

Hab Cilmiyeedka Lagu Ogaado Qofka Soo Jiidashada Leh.. Is Qiimee

Soo jiidashada iyo charisma-ha uu qofku leeyahay waxaa loo aqoonsan yahay iney tahay hibo uu qofka Illaahay siiyo oo dadka oo dhani aaney wada haysan. Laakiin daraasadaha cilmiyeed ee dhawaan la sameeyay ayaase u sameeyay qiyaas cilmiyeed oo lagu garan karo qofka sifadaa leh, arrintaas oo keensaneysa inuu qofku kala ogaado inuu yahay qof soo jiidasho leh iyo in kale.

Koox cilmibaarayaal ah oo ka tirsan jaamcadda Toronto ayaa soo saaray waddo cilmiyeed  sahlan oo ah habka lagu garto qofka charisma-ha leh dadka kalena looga dhex sooci karo.

Warqadda cilmibaarista jaamacadda ayaa lagu faafiyay ” Personality and Social Psychology“, taas oo lagu sheegay in qof lagu tilmaamo inuu soo jiidasho leeyahay iyo in kale ay u baahan tahay in 6 su’aalood laga jawaabo, lixdaa su’aalood ayaa mid kasta darajo gaar ah lagu bixinayaa oo uu qofku ka helayaa, waxayna ku xiran tahay hadba sida uu uga jawaabo, waxaana lagu qiimeynayaa 1 illaa 5 darajo.

1 .Marka uu shirarka joogo waa xidig ka dhex muuqda

2 .Waxa uu awood u leeyahay inuu dadka sameeyn ku yeesho

3 .Wuu yaqaannaa sida uu koox u maamulo

4 .Dadku agtiisa waxay ku dareemaan nafis

5 .Dadkana badanaa wuu u dhoollacaddeeyaa

6 .Qof kastaana wuu la heshiin karaa

Kadib marka su’aal kasta darajo laga siiyo ayaa la isku geynayaa natiijada kasoo baxdana waxaa loo qeybinayaan 6, haddii uu qofku helo darajo ka badan 3.7 waxaa lagu tirinayaa inuu yahay  tahay qof u janjeera dhanka  charisma-ha oo uu ka agdhawdahay qof soo jiidashada leh, marka lala barabar dhigo qofka caadiga ah.

Qiyaastan ayaa waxay kasoo baxday daraasado kala duwan oo dhowr ah oo la sameeyay, laguna qiyaasay labada cilmi ee Bulshada iyo cilmi-nafsiga, waxaana lagu tijaabiyay ku dhawaad 1000(kun)qof oo ka qeybgalay tijaabooyinka daraasadda.

Si kastaba, Soojiidashada ayaa loo aqoonsan yahay iney raad muhiim ah ku leedahay xirirka bulshada iyo kan shaqo, jaamacadda Toronto oo kaliyana maaha tii ugu horreysay ee mowduucan cilmibaarisyo ka sameysa, ee laakiin daraasaadkii hore ee la sameeyay waxay ku saabsanaayeen soo jiidashada dadka hoggaamiyeyaasha ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close