arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Wuxuu Dhashay 1896.. Waa Kan Qofka Ugu Da’daweyn Adduunka

Oday u dhay dalka Chile oo la yiraahdo Jaramillo ayaa noqday qofka ugu da’daweyn adduunka ee dadka hadda nool iyadoo da’diisa lagu sheegay 121sano jir.

Jariidada the Guardian ee kasoo baxda gudaha dalka Ingiriiska ayaa qortay in muwaadin u dhashay dalka Chile la aaminsan yahay inuu yahay qofka ugu da’daweyn adduunka.

Jariidada oo warkan faafisay Isniintii ayaa tilmaantay in Villanueva Jaramillo oo hadda da’diisu tahay 121 sano jir uu yahay qofka ugu da’daweyn adduunka ee da’diisa la xaqiijiyay, iyadoo sida ku cad taariikhda dhalashadiisa ay muujineyso inuu dhashay sanadkii 1896-dii.

Sanadkii 2011 ayaa madaxweynihii hore ee Chile Sebastián Piñera uu si shakhsi ah ugu hambalyeeyay Jaramillo dhalashadiisii 115.

Maandeeq FM

Related Articles

Close