UncategorizedWararkaWaxbarashada

Cilmibaaris Cusub: Sirta Sareedada Guurka Lagu Helo

Cilmibaaris cusub ayaa sheegaysa in kadisyada yaryar  ee ay is dhaafsadaan lamaanaha isqabaa uu adkeeyo xiriirka jacaylka, waana halka laga la helo  ,ayay leeyihiin, sirta sareedada guurka.

Cilmibaarayaasha ayaa isku raacsan in la sameeyo ficil kadis ah sida; hadiyadaha yaryar, casho la isku raaco, ay si aad ah u muujiso dareenka jacaylka lamaanaha ayna ka awood badan tahay erayda qalalan ee dareenka jacaylka lagu muujiyo.

Koox cilmibaayaal ah oo ka tirsan kulliyadda caafimaadka iyo human Resource-ka jaamacadda gobolka Pennsylvania ayaa ogaaday in dadku ay isku raacsan yihiin in dhacdooyinka lama kadiska ah ee farxadda leh ay aad uga wanaagsanaadeen dhanka erayda Jacaylka lagu muujiyo.

Kooxda cilmibaarayaasha ah ayaa ka codsaday dad gaaraya 495 qof oo qaangaar ah gudaha dalka Mareykanka, iney ka jawaabaan questionnaire ku saabsan waxa ay ka aamisan yihiin 60 hab oo kale duwan oo lasoo hordhigay dareenka jacaylkana lagu cabiri karo.

Cilmibaare ka tirsan daraasadda oo magaciisa lagu soo koobay Hishmati ayaa yiri: “Natiijooyinka aan gaarnay waxay noo sheegayaan in dadku ay isku raacsan yihiin waddooyin aan dareenka jacaylka waxba ka gelin. Dadku waxay jaceyl ku dareemi karaan tallaabooyin yaryar oo in laga badbadiyo aaney habbooneyn.”

Dadkii daraasaddan ka qeybgalay ayaa waxay isku raaceen inaan qofna jacleyn in lamaanihiisu sida hooskii oo kale ula socodo oo uu uga warhaayo, ayna u haystaan tallaabo aan jacaylka u wanaagsaneyn.

Maandeeq FM

Related Articles

Close