CaafimaadkaUncategorizedWararkaWaxbarashada

Markii ugu Horreysay.. Cudur Maskaxeed Noqday Dilaaga Koowaad

Tirakoobyadii ugu dambeeyay ee kasoo baxa dhanka xukuumadda Ingiriiska ayaa tilmaamaya in cudurka Dementia uu noqday dilaaga ay dadku badanaa u dhintaan, isagoo ka batay dhimashada cudurrada wadnaha markii ugu horreysay.

Sida ay qortay jariidada The Telegraph cudurada Dementia iyo Alzheimer-ka oo wadajira ayaa sababay 70, 366(Todobaatan kun, saddex boqol lixdan iyo lix) xaaladood oo geeri ah, marka loo barbardhigo 66,076 qof oo u dhintay cudurada dhanka wadnaha ah, waana sida ay jariidadu qortay Arbacadii shalay.

Sanadkii 2015, cudurada wadnaha ayaa ahaa dilaaga ugu sarreeyay, wax uu salfaday 69,785 qof, halka Dementia uu sababay dhimashada 69,182 qof.

Cudurka “Dementia” ayaa  keena isku dhexyaac dhanka howlaha maskaxda iyo garaadka qofka iyadoo ay qofka ka lumeyso xasuusta, inuu si wanaagsan u fakarana ay ku lumeyso, sidaa darteed qofka marka uu cudurkani ku dhaco waxa uu u baahan yahay qof daryeela, noocyadiisa ugu caansana waa Alzeimer.

Sababaha hoos u dhigtay dhimashada cudurada wadnaha ayaa loo aaneynayaa iney tahay horumarka dhanka caafimaad wadnaha ee la gaaray iyo daryeelka loo fidiyo bukaannada uu hayo cholesterol-ka xun iyo pressure dhiigga.

Maandeeq FM

Related Articles

Close