DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Si Dhakhsiyo ah Iska Diiwaangeli Minxada Xukuumadda Kuuriya ee Ardayda Tacliinta Sare

Kuuriyada Koonfureed waxaa loo a qoonsaday sanadkii 2015 iney tahay dowladda ugu wanaagsan waxbarashada, Asia oo kaliya maaha ee adduunka oo dhan.

Hadaba, iyadoo dooneysa iney adduunka kale u furfuranto waxbarashadana la is dhaafsado ayaa xukuumadda Kuuriyada Koonfureed waxay bixisaa “Minxo waxbarasho” oo ay siiso ardayda daraasaadka sare ee daafaha kala duwan ee dunida.

Nooca minxadan: waa mid si dhameystiran loo maalgelinayo

Xilliga la codsanayo: February sanad kasta

Xilliga araaji qabashadu dhamaaneyso: April sanad kasta.

Barnaamijka akaadamiyadeed ee minxada

Masters: labo sanno + sanad aad baraneyso luqadda Kuuriya oo aad ku baraneyso mac’hadka wadaniga ah ee waxbarashada caalamiga ah (NIIED).

PhD: 3sano +sanad lagu barayo luuqadda Kuuriya oo aad ku dhiganeyso mac’hadka wadaniga ah ee waxbarashada caalamiga ah (NIIED).

Sanadka koowaad inaan luqadda dalkaas barato waa waajib, waxaa sanadkaa si waaagsan gacanta kuugu haynaya mac’hadka wadaniga ah ee daraasaadka caalamiga ah, dadka heerkaa ka gudbana isaga ayaa sheegaya.

Dadka waxaa laga dooneyaa iney natiijo wanaagsan ka gaaraan imtixaanka TOPIK-ga ee luuqadda Kuuriya, haddii dadka minxadan helaa ay darajada loo baahan yahay keeni waayaan minxadoodii halkaas ayay kaga gubaneysaa.

Shuruudaha minxadan ku xiran

Qofka minxadan doonayaa waxaa laga rabaa inuu haysto ugu yaraan 80% GPA iyo wax ka badan.

Waa in qofka minxada soo codsanaya aaney labadiisa waalid mid ka mid ah ahayn Kuuriyan

Waa inuu 40 jir ka yaryahay

Waa in caafimaadka jirka iyo maskax aanba uu wanaagsan yahay.

Waa inuu hayso Bachelor degree haddii uu dooneyo Masters, haddii uu PhD doonayana waa inuu haystaa Masters sida caadiga ah.

Waa inaanuu safarka ka xayirneyn

Haddii uu horey minxo hore u helay mar labaad  looma ogola.

Halka aad codsigaaga geysanayso

Labo waddo ayaa kuu furan inaad safaaradda Kuuriyada Koonfureed aad si toos ah ugu darto iyo inaad xarunta dhaqanka oo adduunka oo dhan ay ku leeyihiin aad u dirto, haddii labadaa meelood aad u wada dirto minxadaasi heli maysid.

Si kastaba, waa minxo muhiim ah oo dad Soomaaliyeed ay horey uga faa’ideysteen qaarkoodna aan wareysigooda horey idinku soo gudbinay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close