UncategorizedWararkaWaxbarashada

Si Imtixaanka Dib Loogu Dhigo.. Arday Dilay Saaxiibkii Ay Isku Iskuul ahaayeen

Arbacadii shaly ayaa booliska India ay qabteen arday dhalinyaro ah oo dilay arday kale oo ay isku iskuul ahaayeen oo 7 jir ahaa, isagoo dhibaatadaa u geystay si dib loogu dhigo imtixaanka iskuulka.

Dhacdadan uu geystay wiilkan dhalinyarada ah ee 16jir ah, ayaa dhacday September-tii lasoo dhaafay, kana dhacday iskuul ku yaalla deegaan dadka taajiriinta ah ay u badan yihiin oo ku yaalla meel u dhaw New Delhi.

Booliska ayaa markii hore qabtay darawalkii gaariga ay caruurtu la socotay, kaas oo ay ku tuhmeen inuu ilmaha yar dilay kadib markii uu isku dayay inuu xadgudub dhanka jinsiga ah u geysto, laakiin booliska ayaa baaritaannadii ay wadeen ku helay dambiilaha dhabta ah, waxayna yiraahdeen “Waxaan haynaa caddeymo aan u cuskan karno eedaymaha da’yarkan maadama natiijooyin liidata uu haysto, waxa uu doonayayna ay ahayd in imtixaanka dib loo dhigo, si aan waalidiinta loogu yeerin.”

Da’yarkan oo aan la shaacin magaciisa sababo dhanka sharciga la xiriirta awgeed, ayaa waxaa loo diray xabsiga la geeyo dadka xukun sugayaasha ah. Halka darawalkiina uu wali kusii jiri doono xabsiga illaa laga caddeynayo inaanu wax dambi ah lahayn, waana sida ay sheegeen booliska dambaarista galkan gacanta ku hayay.

Dilkan ayaa noqday mid ay dadku si aad ah u dhaleeceeyeen, canaawiinta sare ee jaraa’idka  India-na si aad ah loogu daabacay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close