CaafimaadkaUncategorizedWararka

Daraasad cusub: Dhaawacyada Maalintii oo 60% Ka Bogsan-og Kuwa Habeenkii

Daraasad xiiso badan, cilmibaaris ay sameeyeen culumo u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in dhaawacyada maalintii ay ka bogsasho dhowyihiin 60% marka la barbardhigo dhaawacyada xilliga habeenkii dadka soo gaara.

Cilmibaaristan ayaa la filayaan iney waxweyn ka tarto qalliinada dhakhaatiirtu ay fuliyaan iyo daaweynta dhaawacyada.

Cilmibaaristan oo Arbacadii lagu faafiyay joornaalka Science Transnational Medicine ayaa lagu ogaaday habka uu jirku u maareeyo dhaawacyada, iyadoo bogsashada ay wanaagsan tahay  xilliga maalintii.

Natiijada cilmibaarista ayaa lagu ogaaday in dhaawacyada qofka soo gaara 8:00 Pm ee habeennimo illaa 8:00 Am ee subaxnimo ay bogsashadoodu qaadato illaa 28 maalmood, saami gaaraya illaa 95% oo ah inta badan dhaawacyadaas. Halka 17 cisho oo kaliya ay qaadato dhaawacyada qofka soogaara 8:00 Am ee subxnimo illaa 8:00 Pm ee xilliga habeenkii ah.

Xubanaha cilmibaarayaasha ah oo ka tirsan shaybaarka UK ee Biology Molecular-ka, daraasaddan iyagu diyaariyay ayaa tilmaamay in ay baaritaanno kala duwan ku sameeyeen illaa 118 xaaladood oo dhaawacyada gubashooyinka ah.

Saynisyahannada ayaa sheegaya in farqigu yahay habka shaqo ee saacadda nolosha  “Biological clock” ee gudaha jirka aadanaha oo 24saacadood siyaabo kala duwan u shaqeysa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close