arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Garsoore Soomaaliyeed oo Ka Mid Noqday Golaha Sare ee Maxkamadda Caalamiga ah ee “ICJ”

Golaha Ammaanka iyo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah u doortay 4 garsoore oo ka tirsan Maxkamadda cadaaladda adduunka ee “International Court of Justice” oo uu ku jiro garsoore Soomaaliyeed.

Garsoorayaashan ayaa shaqadoodu bilaabaneysaa February, waxayna xilka haynayaan mudada 9-ka sanno ee soo aaddan.

Golaha garsoorka maxkamadda ayaa waxay ka kooban yihiin 15 xubnood oo lagu dooranayo aqlabiyad golaha guud ee Qaramada Midoobay oo ka kooban 97 cod oo lagu daray 8 xubnood ee golaha ammaanka, iyadoo cod dhiibashudan tahay habka qarsoodiga ah. saddexdii sanaba mar ayaa la doorto 5 kursi oo ka tirsan golaha garsoorka maxakamadda.

Afarta garsoore ee la doortay ayaa labo ka mid ah xilka horey u hayaan waana; Ronny Abraham oo u dhushay dalka Faransiiska iyo Abdulqawi Axmed Yusuf uu u dhashay dalkeenna Soomaaliya. Halka labada cusubina ay kala yihiin; Antonia Augusto Cancado trindade (Brazil) iyo Nawaf Salam(Lebanon) ah. halka garsooraha harsanna loo ballansan yahay in Isniinta soo aaddan la doorto.

Doorashada garsoorka maxkamadda ayaan ku saleysnayn jinsiaydda qofka iyo dalka uu kasoo jeedo toona, ee  waxaa lagu xushaa kartidiisa qof ahaaneed, laakiin labo qof oo isku dal kasoo jeeda marqura kama mid noqon karaan golaha garsoorka maxkamaddaasi.

Ugu dambeyn, Maxkamadda ICJ ayaa la aasaasay sanadkii 1945, iyadoo xarunteeduna tahay Hague, gudaha dalka Holland, waxaa loo dhisay iney xalliso muranka dhanka sharci ee dowladaha adduunka oo go’aanno ay kasoo saarto.

Maandeeq FM

Related Articles

Close