WacyigelinWararkaWaxbarashada

Faqriga Dhabta ah Waa Kan Caqliga Aadanaha Ku Dhaca

Jack Ma milyaneerka reer China ee iska leh website-ka caanka ah ee “Alibaba“, oo ah ninka Shiinaha ugu taajirsan xilligan aan hadda joogno ayaa waxa uu leeyahay dadka ugu xun ee aad la mucaamili kartaa in uu yahay waa dadka caqliga ka faqiirka ah.

Jack Ma oo tilmaamay dadka caqliga faqiirka ah ayaa sheegay in waxwalba oo aad u sameyso aadan ka dhaadhicin karin iney wax qabsadaan:

“Shay si lacag la’aan ah u sii waxay ku dhahayaan waa dabin la noo maleegayo si aanan waxba u qabsan, sii fursad mashruuc oo ra’smaalkiisu kooban yahay waxay ku leeyihin waxba nooma galo, sii fursad mashruuc oo ra’samaal farabadan yahay waxay kuu sheegayaan inaaney haysan lacago farabadan oo ay ku sii wadaan, haddii aad ku tiraahdo wax cusub tijaabiya waxay kuu sheegayaan inaaney khibrad farabadan lahayn.Waxaad ku tihaadaa tijaabiya gacansi iska caadi ah waxay kuu sheegayaan in guul laga gaaro ay adag tahay, haddii aad siiso fikrad gacansi oo elektaroog ah waxay kuu tilmaamayaan inaanuu wax jira ahayn”.

Waxa uu sheegay iney dadkaa lagu garto fikir farabadan iyo waxqabad yari oo qofka Indoolaha ah uu ka waxsoosaar badan yahay:

“Waxay u fakaraan si ka badan Professor Jaamacadeed waxayna ka waxsoosaar yaryihiin qof indhoole ah, Haddii aad waydiiso iney jiraan wax un ay naftooda u qabsan karaan mustaqbalka waxay kuu sheegayaan inaaney taa waxba ka oran karin.”

Dadka caqliga ka faqiirka ah waxay ku fashilmaan arrin kaliya oo ay ka siman yihiin, waana iney sugayaan fursad si iskeed ah usoo marta oo lugaheeda ku socota, laakiin ma sameeyaan wax tijaabooyin ah oo ay ku guuleysan karaan, ayuu hadalkisa kusoo gababeeyay milyaneerka reer China ee Jack Ma ka hadlayay dadka caqliga faqiirka ka ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close