WararkaWaxbarashada

Saacad Cimrigeedu yahay 2000sano oo La Helay!

Culumada Archaeologists-ka ayaa helay  gobol saacad dhagax ka qoran oo xiligii ilbaxnimada Roman-ka la sameeyay, howlo baaritaanno ah oo laga waday bartamaha dalka Talyaaniga.

Khubarada ayaa u arka in farshaxankan ay heleen ee naadirka ah uu yahay saacad qoraxeed laga qoray dhagaxa cad, oo uu islka lahaa mid ka mid ah siyaasiyiintii hore ee caanka ka ahaa gudaha Roman-ka.

Saacaddan ayaa si wanaagsan loo ilaalaiyay iyadoo da’deedu tahay 2000 sano, taas oo ka dhigaysa iney tahay gobol taariikh muhiim ah leh oo laga helay ilbaxnimadii Roman-ka.

Waana saacaddan laga helay goob taariikhi ah oo ay lahayd magaalada “Interamna Lirenas” ee Roman-ka, sida ay khubaradu sheegayaanna waxaa saacadda ku xardhan qoraal tilmaamaya in saacadda milkiyadeeda uu lahaa  Marcus Novius Tubula oo ahaa mid ka mid ah siyaasiyiintii hore Roman-ka  caanka ka ahaa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close