CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Saynis-yahannada oo Ka Digaya Khatarta Raashinka La Cuno Hurdada Ka Hor

Koox saynisyahanno ah oo ka tirsan jaamacadda Qaranka ee dalka Mexico ayaa sameeyay daraasad ku saabsan cuntada la cuno hurdada ka hor iyo saameynta ay ku yeelato jirka aadnaha.

Daraasaddan oo lagu faafiyay joornaalka “Experimental Physiology journals“, ayaa culumadii saynisyahannada ahayd ee ay sheegeen raashinka hurdada ka hor uu qofka miisaanka ku kordhiyo isla markaana uu keento khatarta ah cudurada dhanka wadnaha, xididada dhiigga ku dhaca iyo cudurka sokorowga.

Culumadan ayaa daraasad ku sameeyay heerka baruurta jirka iyagoo adeegsanaya quudinta xilliyo kala duwan oo loo sameeyay”jiirka shaybaarka” ee tijaabooyinka lagu sameeyo. Jiirka ayaa loo qeybiyay labo group oo qeyb hurdada ka hore wax la siinayay iyo kuwo kale oo si caadi ah loo quudiyay.

Natiijadii u soo baxday waxay noqotay in jiirka hurdada ka hor la quudinaya ay heerka baruurta jirkoodu korortay, taas oo keenaysa khatarta iney  ku dhici karaan cudurka sokorowga iyo mashaakilka dhanka wadnaha ah.

Ugu dabmeyn, Sida ay culumadan saynisyahannada ah ay leeyihiin, natiijada daraasaddan lagu dabaqi karaa aadanaha, sidaa darteed waxay ku talinayaan inaan lagu ciyaarin xilliga raashinka oo la cuno marka ay ugu habboon tahay oo ah ugu yaraan labo saacadood iyo bar ka hor xilliga hurdada.

Maandeeq FM

Related Articles

Close