WararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub: “Khuurada” Xilliga Hurdada oo laga Qaado Cudur Khatar ah

Cilmibaaris cusub oo ay sameysay jaamacadda New York ee gudaha dalka Mareykanka ayaa daaha-ka-rogtay in dadka khuurada badan xilliga hurdada ay khatar ugu jiraan cudurka AlZheimers ka.

Jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska kasoo baxda ayaa qortay iney khubarada sheegeen in khuuradu ay ka dhalato neefsashada oo qofka ku adag darteed, taas oo keeni karta cudurro badan oo khatar ah oo ay ka mid yihiin wadna xanuun, cudurka Sonkorowga xilli dhaweydna waxaa la ogaaday in khuurada faraha badan laga qaado cudurka AlZheimers-ka loo yaqaanno.

Jariidada ayaa xustay in natiijada cilmibaaristu ay timid kadib markii tijaabooyin lagu sameeyay 208 qof oo da’doodu u dhaxayso 50-90sano, cilmibaarayaashu waxay baareen dheecaanka spinal-ka loo yaqaanno si loo sahmiyo heerka protein-ka suntan ah ee loo yaqaanno amyloid kaas oo keena in xasuusta qofka ay ku yaraato iyo howlaha guud ee garaadka qofka oo waxyeello ay soo gaarto.

Ugu dambeyn, daarasaddan saynisyahannada sameeyay ayaa qalbiga ugu dejiyay dadka khuurada badan in daawooyinka loo adeegsado iney qofka khuurada tirada badan ka yareeyean ay ka hortag wanaagsan uga noqon karo cudurka AlZheimers ee la khatarta ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close