WararkaWaxbarashada

Dowlad Yurub ah oo Muwaadiniinteeda Ka Codsatay Iney u Tarmaan Sida Bakaylaha oo Kale

Xukuumadda Poland ayaa u sheegtay muwaadiniinteeda iney lagama maarmaan tahay in xal loo helo dhibaatada hoos u dhaca dhalmada, iyadoo wasaaradda caafimaadka ee dalkaaasina ay ku dhawaaqday ol’ole mudaadiniinta lagu dhiirigelinayo iney taranka badiyaan.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Associated Press, wasaaradda caafimaadka Poland ayaa bilowday ol’ole ay muwaadintiinta ku dhiirigelinayso in arrimaha taranka loola dhaqmo sida “Bakaylaha” oo kale.

Wasaaradda ayaa faafisay muuqaal xayaysiin ah oo dadka lugu dhiirigelinayo iney taranka badiyaan, waxayna soo duubeen muuqaal matalaad ah oo bakayle uu dadka la hadlayo,  bakaylaha ayaa waxa uu leeyahay: “Haddii aad dooneyso inaad aabbe noqoto, bakaylaha tusaale u qaado. Arrinta aan ka hadlayo si wanaagsan ayaa u ogahay, aabahay waxa uu dhalay 63 caruur ah!.”, ol’olahan ayaa ku jihaysan dadka da’doodu u dhaxayso 18-45sano jirka.

Wasaaradda caafimaadka Poland ayaa hoosta ka xariiqday sababta ay bakaylaha tusaalaha uga dhigtay ol’olaheeda inuu yahay bacramintiisa sare iyo sida aadka ah ee uu u tarmo.

Waxaa xusid mudan, in dadweynaha Poland ay haatan tiradoodu ku dhaw dahay illaa 39 milyan oo qof, waxayna ku noolyihiin dhul lagu qiyaasay 313 Kun oo Km2.

Maandeeq FM

Related Articles

Close