WararkaWaxbarashada

Guulaha Wiilasha ee Dhanka Waxbarashada Waxay Ku Xiran Tahay Tirada Gabdhaha ay Isku Iskuulka Yihiin (Cilmibaaris)

Cilmibaayaal u dhashay dalka Holland ayaa sameeyay daraasad cusub oo ay natiijadeeda kasoo baxday in tirada gabdhaha iskuulka dhigta ay saameyn ku yeeshaan guulaha wiilashu ay waxbarashada ka gaaraan.

Sida lagu daabacay joornaalka “School Effectiveness and School Improvement” ee cilmiga ah, daraasaddan ayaa waxaa ka qeybgalay 281 kun oo arday oo ku sugan 33 dowladood. Saynisyahannadu waxay adeegsadeen mucluumaad ku saabsan imitxaanka akhriska ee sanadkii 2009, kaas oo loo adeegsaday qeyb ka mid ah buug uu qoray “Gabriel Garcia Marquez” oo uu ka qoray  “Boqolkii sano ee kalinimada”, sidaas oo kal waxaa la isticamaalay infographic la diyaariyay oo ardayga la doonayay marka ay akhriyaan kadib iney su’aalo goonni ah ka jawaabo.

Cilmibaarayaasha waxaa usoo baxday in iskuulaadka 60% ay gabdhuhu ku badan yihiin ay wiilashu keenaan darajo sare marka loo barbardhigo iskuulaadka ay gabdhuhu ku yaryihiin, halka caruurta aabayaashood ay aqoonyahannada yihiin iyaguna ay noqdeen kuwo dhanka waxbarashada ku sarreeya.

Ugu dambeyn, Khubarada ayaa aaminsan in gabdhuhu ay wiilasha kaga fiican yihiin dhanka imtixaanka u baahan concentration-ka dheeraadka ah, iyagoo sidoo kale wiilasha kaga fiican dhanka wax akhriska, sidaa darteed wiilsha gabdho badan wax la bartaa waxay la kulamayaan tartan farabadan oo dhanka waxbarashada ah kaas oo ku dhiigirgelinaya iney dadaalaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close