WararkaWaxbarashada

Macallimada Arshaxdarro Ku Eedaysan oo Xabsiga La Dhigay Gudaha Dalka Mareykanka

Booliska dalka Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay macallimad ka tirsaneyd iskuul ku yaalla gobolka Ohio ee gudaha dalka Mareykanka, kadib markii ay galmood la sameeyay labo ka mid ah ardaydeeda isla markaana midkood ay u dirtay sawirka iyadoo qaawan.

Sida ay qortay jariidada Daily Mirror, maxkamadda ayaa hubisay in dhacdada koowaad uu macallimadu ku sameysay meel Barking ah oo gawaadhida la dhigto oo goob gacansi ah ka horreysa, halka dhacdada labaadna ay ahayd goob gawaadhida la dhigto oo guri arday ka ugyaalla, macallimadan ayaa qiratay iney sawirkeeda oo qaawan u dirtay mid ka mid ah ardayda oo 16 jir ah.

Macallimadan ayaa la yiraahdaa Madeline Marx, waana 23 jir, waxayna hadda waajahaysaa labo qadiyadoo oo lagu soo eedeeyay dhanka galmood arday ah. Waxay ku shaqeynaysay macallinimo iskuulka Fairmount High School ee ku yaalla magaalada  Kettering ee gobolka Ohio.

Maandeeq FM

Related Articles

Close