UncategorizedWararkaWaxbarashada

Oxford oo Soo Saartay Cabitaan Ciidanka Mareykanku Ay Ka Helayaan “Awood Dheeri ah”.. Waxaa Ku Baxay $60 Milayn

Koox Saynisyahanno ah oo ka tirsan jaamacadda Oxford ee dalka UK ayaa waxay soo saareen cabitaan cusub oo baruurta jirka ka baabi’inaya, iyadoo aan loo baahneyn in nidaam cunto gooni ah la raaco.

Sida ay sheegayso jariidada Daily Mail, Cabitaankan ayaa ulajeedada loo sameeyay uu yahay, sida ay culumadu sheegayaan, in ciidanka Mareykanka laga dhigo kuwo awood badan xilliga la joogo goobta dagaalka, iyo in la xoojiyo awoodooda jirka iyo midda maskaxeed labadaba.

Shirkad ay xarunteedu tahay San Francisco gudaha dalka Mareykanka ayaa bilowday iney iibiso gacansiga ee cabitaankan oo ku jira dhalo, waxaana cabitaankan ku jira “Ketone” oo laga sameeyay waxyaabo dabiici ah, marka uu qofku cabo ayaa jirku waxa uu qashin saarkiisa ku darayaa baruurta jirka ku jira. Ketone-ka ayaa bedel u ah sonkorta jirka.

Cabitaankan ayaa marka ciidanka la siiyo  jirkoodu uu yeelanayaa labo ilood oo uu tamar jirku ka heli karo, kuwaas oo kala ah Sonkorta iyo Ketone, taas oo keenaysa iney kor u kacdo awoodooda jireed iyo midda maskaxeed.

Kharashka Ketone-ka lagu soo saaray ayaa waxa uu gaaray illaa 60 milyan oo dollar.

In badan oo ka tirsan dadka caanka ah ee adduunka ayaa raaca nidaamka  Ketone oo cunooyinkooda ku darsada, iyadoo danta ay ka leeyihiin ay tahay iney miisaanka ku dhimaan awood farabadanna ay ka helaan, waxaana ugu caansan dadka cabitaankan adeegsada  Kim Kardashian.

Maandeeq FM

Related Articles

Close