UncategorizedWararkaWaxbarashada

Record Cusub oo Laga Diiwaangeliyay Sanadkan Dadkii Soo Booqday Bandhigga Caalamig ah ee Sharjah International Book Fair

Bandhigga caalamiga ah ee Sharjah International Book Fair ayaa sanadkan sameeyay record cusub, iyaddoo ay sanadkan u ahayd xilligiisii 36aad, tirada dadka soo booqday ayaa gaaray 2.38 milyan oo qof, halka ay sanadkii hore yimaadeen 2.31 milyan oo soo booqday carwada buugaagta Sharjah.

Bandhiggan ayaa socday muddo 11 cisho ah, 1-11 November, iyadoo lagu qabtay markaska Explo Center ee Sharjah, waxaa ka qeybgalay 1690 xarun daabacaad iyo 60 dowladood.

Hay’adda qabanqaabineysay bandhigga ee qoraayaasha Sharjah ayaa tiri: “Buugaagta bandhigga laga iibsaday markeedii ugu horreysay waxay gaartay 206 milyan oo dirham(56 milyan oo dollar), iyadoo kobaca iibsiga buugaagtuna uu gaaray 17% marka loo barbardhigo sanadkii hore.

Buugaagtii ugu badnaa ee bandhigga laga iibsaday waxay ahaayeen kuwo caruurta iyo buugaagta ay qoreen dadka ajaanibka ah ee aan Carab u dhalan iyadoo xarumaha buugaagta faafiya ee sanadkan bandhigga ku cusubaa si wanaagsan wax looga iibsaday.

Bandhigga ayaa waxaa sanadkan lagu martigeliyay aqoonyahanno, qoraa, mufakiriin Carab iyo ajaaniba lahaa oo ay ku jirto gabadha qoraaga ah ee reer Mareykan Victoria Christopher, taariikhyahanka reer Ingiriis ee Peter Frankopan, iyo qoraaga reer Algeria ee Waasini al-Acraj.

Ugu dambeyn, waxyaabaha bandhigga sanadkan xiisaha u yeelay ayaa waxaa ka mid ahaa UK oo sanadkan marti sharaf u ahayd bandhigga ay  goobta looga qoondeeyay kusoo bandhigtay nuskhad tan ugu qadiimsan adduunka ee laga hayo “Musxafka Qur’aanka Kariimka ka ah”, waana mid ka mid ah waxyaabaha naadirka ah ee yaalla makatabadda jaamacadda Birmingham ee gudaha dalka Britain.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close