WararkaWaxbarashada

 4 Dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo Ku Guuleystay Tartan Uu Qabtay Bankiga Adduunka.. Abaalmarinno Noocee ah Ayay Helayaan

Markii ugu horreysay ayaa Bankiga adduunku dhalinyaro Soomaaliyeed uu u qabtay barnaamij tartan ah “Blog for Development” oo dalalka kale adduunka uu ka fulin jiray laakiin uu markii ugu horreysay ka hirgeliyay gudah Soomaaliya.

Tartanka waxaa uu ahaa mid qoraal ah oo u furan dhalinyarada da’doodu u dhaxayso 18-25sano, waxaa ka qeybgalay dhowr boqol oo dhalinyaro ah ugu dambeynna waxaa guuleystay oo natiijadii usoo baxday 4 ka mid ah dhalinyaradii ka qeybgalashay tartanka.

Afartan dhalinyarada ah ayaa kala ah Abdishakur Axmed, Awil Osman, Mowliid Axmed iyo Maxamed Maqadin.

Dhalinyaradan oo sida ay u kala horreeyaan kaalmaha ugu kala jira ayaa Bankiga adduunku ku abaalmariyay labada kaalin ee ugu horreysay safar ay ku tagi doonaan dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Washington. Halka kaalinta 3aad, 4aad ay helayaan Teleefon “Smart Phone ah” iyo internet falash ah oo ay iyagu lahaandoonaan.

Tartanka oo ku saabsanaa Hal-abuurka gacansi iyo sidii dhalinyarada loogu heli lahaa fikrad hal-abuurleh oo shaqo loogu heli karo, dhlinyaradu si isku mid ah ayay uga hadlaan mowduucaas, waxaana ay soo bandhigeen fikaradahooda halabuurnimo. mawaadiicyadii ay ka hadleen si isku mid ah ayaa loogu soo daabacay website-ka Bankiga adduunka.

Hadaba, Maandeeq FM ayay u suurtogashay iney wareysi gaarka ah la yeelo Mowliid Axmed Xasan oo ka tirsan dhalinyarada ku guuleystay abaalmarinta Bankiga adduunka.

Mowliid waxa uu noo sheegay inuu ku faraxsan yahay guusha uu tartanka ka gaaray, isagoo dhalinyaradana ugu baaqey iney waxwalba oo cusub tijaabiyaan aqootoodana ay si joogto ah u kobciyaan:

“Tartanka markii hore ee aan ka qeybgalay si wanaagsan ayaan ugu diyaar garoobay, waxaan filayay kaalin tan hadda ka sarreysa, si kastaba Alxamdu Llillaah, waxaan u hambalyeynayaa saaxiida kale ee aan tartanka ku wada guuleysannay, waxaanan u rajeynayaa nasiib wacan dhalinyarada kale ee aan sanadkan ku guuleysan, fursaddu sanadka kaleba wey soo noqoneysaa, Inshaa Allaah.”

Si kastaba, tarankan ayaa Bankiga adduunku si daahfurnaan ah u soo xayaysiiyay June15, waxa uuna ku ekaa July31, 2017 isagoo u furnaa dhalinyarada da’doodu u dhaxayso 18-28 jirka ah.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close